CCA of WA waxay garab taagantahay adeeg-bixiyeyaasha Soomaalida ah ee waxbarashada ilmaha

Child Care Aware of Washington waxay garab taagantahay adeeg-bixiyeyaasha Soomaalida ah ee waxbarashada ilmaha kuwaasoo wajahaya dacaayad naceyb badan, dhibaateyn, iyo beegsasho ku saleysan warbaahin cunsurnimo, jaahil ah oo sal-iyo-raad-lahayn, iyo warfaafinta baraha bulshada. Adeeg-bixiyeyaasha xannaanada ilmaha waa la-shaqeeyeyaal muhiim u ah hubinta caruuraha iyo qoysaska inay helaan goobo ammaan ah oo leh waxbarasho tayo-sare oo ilmaha. Ma ahan adeeg-bixiye inuu dareemo cabsi ama cabsigelin inta la qabanayo shaqadaan daruuriga ah, mana ahan ilmaha nabadgalyadooda ama dhawrsanaantooda in loo hanjabo.

Adeeg-bixiyeyaasha waxbarashada ilmaha ee Soomaalida ah waa xirfadleyaal shati leh oo shahaado haysta kuwaasoo daryeela waxna bara kumanaan caruur ah gees-ka-gees Washington. Shaqadoodu waxay taageertaa awoodda qoysasku inay shaqo tagaan, iskool aadaan, oo guuleystaan, iyagoo xoojinaya nidaamka waxbarashada caruurta yaryar iyo nidaamka dhaqaalaha ganacsiyada yaryar ee bulshooyinku ku tiirsan yihiin. Kala-duwanaanta, aqoonta dhaqameed, iyo waayo’aragnimada lasoo maray waa kartida nidaamkeenna xannaanada ilmaha, waxaana qadarinaa sharafta, khibradda, iyo tabarucaadka adeeg-bixiyeyaashaan maalinwalba keenaan.

Waxaa naga go’an sii wadista hormarinta sinnaanta, iyadoo la taageerayo adeeg-bixiyeyaasha, iyo xaqiijinta dhammaan caruurta iyo qoysaska in loola dhaqmo si xurmad leh. Waxaan garab taagannahay adeeg-bixiyeyaasha Soomaalida ah—iyo dhammaan adeeg-bixiyeyaasha xannaanada ilmaha—ee Washington oo dhan.